Baarlamaanka oo berri codka kalsoonida u qaadi doona Ra’iisalwasaaraha Magacaaban

28 feb 2017 (Puntlandes) Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kalfadhiga  Baarlamaanka Federaalka oo maalinta berri furmaya codka kalsoonida loogu qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

234-1b7

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay shaaciyay in maalinta Arbacada ee berri uu furmi doono kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u furi doona kalfadhiga 1aad ee Golaha shacabka, waxaa Madaxweynuhu ka codsan doonaa Xildhibaanada inay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisalwasaaraha Cusub.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa magacaabistiisa kadib kulammo gooni gooni ah la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka , isagoo weydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.

Waxaa aad loogu rajo wayn yahay in Ra’iisul Wasaaraha uu heli doono codka kalsoonida Baarlamaanka.

Madaxweyne max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kuna tilmaamay inuu yahay nin ay wada shaqeyn karaan, kuna soo xushay kartidiisa, aqoontiisa iyo inuu yahay nin ammaanada ku fiican.

Puntlandes.com

About The Author