RW Khayre oo Magacaabay Wasiirka Gashaandhiga, Xilkana Ka Qaaday Wasiirkii Diinta & Awqaafta

26 Nov 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaraaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga, kaasi oo loo magacaabay  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

23a3

Wasiirka cusub ee  Gaashaandhigga  ee lamagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan waxaa uu hore u ahaa Safiirka Somaliya u fadhiya wadanka Turkuga, waxaana uu xilkan iska casilay bishii October ee Sanadkan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre  waxaa xilkii looga qaadye Wasiirkii Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta iyo  Dr Iimaan C/laahi Cali, waxaana xilka si kumeel gaar ah u sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.

23a4

Wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadista Wasiirka Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta ay la xiriirto arrimo ku saleysan awood qeybsiga beelaha.

Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa xilalka dowladda u hela qaab awood qeybsi, waxaana muuqata in xil ka qaadista Wasiirkan iyo magacaabista Wasiirka Gaashaandhigga uu ku salaysan yahay isu dheelitir qaabka awood qeybsiga.

Puntlandes.com

About The Author