Sawirro: Axmed Karaash oo si rasmiya u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee sanad Dugsiyeedka 2020/2021

22 May 2021 (Puntlandes) Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa maanta si rasmiya u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee sanad Dugsiyeedka 2020/2021.

Tirada guud ee imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad Dugsiyeedka 2020/2021 u fariistay waa 17, 735 ( Todobiyo Tobankun, Todoba Boqol Sodon iyo Shan) Arday, iyadoo 5,708 ( Shankun Todoba Boqol iyo Sideed ) oo ka mida waxay u fariisanayaan Dugsiyada Sare, halka 12, 027 ( Labiyo Toban Kun, Labaatan iyo Todoba ) arday ay u fariisanayaan Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Dowladda Puntland, 132 goobood ayaa looga fariistay Imtixaanka.

Celceliska korarka sannadlaha ah ee ardayda u farisaneysa imtixaanka 2021, Fasalka Afraad ( F4) Gabdhaha: 6%, Wiilasha : 4%, Galaaska Sideedaad (G8): Gabdhaha: 9%, Wiilasha: 6%. Sida ku cad warbixinta ka qayb-galka gabdhaha ee Waxbarashadu waxay ka boqolay badan yihiin kan wiilasha, taasna waxaa sahashey juhdi Dowladda Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay gelisey sidii habluhu qayb uga noqon lahaayeen Waxbarashada.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, gaar ahaan Xafiiska Imtixaanaadka juhdiga ay geliyaan qabsoomidda, si habsamileh imtixaanaadka Puntland sanad walba.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Alle ugu baryey inuu imtixaanka u fududeeyo Ardayda Puntland ee maanta u fariistay Imtixaanaadka.


Puntlandes.com

About The Author