Sawirro: Dowladda Puntland oo Garoonka Diyaaradaha Bosaso ka daah-furtay Duullimaad Caalami ah

09 June 2021 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa Garoonka Diyaaradaha ee caalamiga ah ee Bosaso ka daah-furtay Duullimaad Caalami ah oo ay soo kordhisay Shirkadda Diyaaradaha ee Halla Airlines.

Duullimaadkan ayaa noqonaya mid isku-xiraya magaalada Shaariqa oo ka tirsan waddanka Imaaraatiga Carbeed iyo Boosaaso, iyadoo Diyaaradda ka timaadda Shaariqa ay toos u tegi doonto Boosaaso, islamarkaana uga sii gudbi doonto Muqdisho.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley), ayaa si rasmiya u daah-furay Duullimaadkan oo todobaad kasta Maalinta Talaadada ay Diyaaraddu ku tegi doonto Boosaaso.

“Waxaa naga go’an in aan horumarino duulimaadyada Gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee Puntland si ay ugu fududeeyaan isu socod dadka reer Puntland ee ukala safraya dunida dacaladeeda.” Ayuu yiri Wasiirka.


Puntlandes.com

About The Author