Madaxweynaha Hirshabelle oo khadka Zoomka uga qeybgalo Shirka Madasha Qaran ee maanta furmaya

28 June 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ku sugan dalka Turkiga, isagoo ka raalli geliyay tabashadii uu ka muujiyay ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shirka kaga qaybgalaya khadka Zoomka, waxaana shirka maanta uu ka dhici doonaa Teendhada Afisyooni.

Qoraal shalay ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu qaadacay ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana lagu caddeeyay in aanay wax talo ah ku laheyn shirkaas, wixii ka soo baxana aanay quseyn.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho.

About The Author