Akhriso RW Rooble oo ku amray Wasaaradda Maaliyadda DFS inaan Khasnadda dawladda lacag laga bixin karin iyadoo…….

12 Sept 2021 (Puntlandes) Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo amar dul dhigay hay’adaha maaliyadda, isagoo amar ku bixiyay in aan wax lacag ah nooca ay doonto ha ahaatee laga bixin karin khasnadda dawladda iyadoon ogolaanshiyo laga helin xaafiiska RW Soomaaliya.

Rooble ayaa amar ku bixiyay in aan wax kharash ah laga bixin karin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan ogolaansho laga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa la faray in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda waa in ay marka mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda waajibaadkooda shaqo ka gutaan ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha, inta aan la bixin wax lacag ah.

 


Punttlandes.com

About The Author