Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka warbixiyay go’aano ka soo baxay shir wadatashi ka socday Cadaado

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo hogaaminayay Wafdi Wasiiro ahaa oo muddooyinkan ku sugnaa magaalada Cadaado ayaa ka warbixiyay go’aano ka soo baxay shirka maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiir Odawaa oo shir jaraa’id ku qabtay Cadaado ka hor inta aysan galabta dib ugu soo laaban magaalada Muqdisho isaga iyo xubnihii Wasiirada ahaa ayaa sheegay in shirkii wada tashiga ay la lahaayeen maamulada Gobollada Dhexe, Guddiga Farsamada iyo odayaasha ayuu xusay inay ka soo baxeen go’aano dhaxal gal ah.

“Arrimo badan waa la isku afgartay, waxa kale ee dhimana inta uu shirka socdo ayaa la gaarayaa, waxaa lagu heshiiyay in ergada ka qeyb galeysa shirka in laga dhigo 350 ergo, in todobaadka soo socdo la xareeyo odayaasha, in shirka go’aanadiisa waa weyn loo dhaafo Guddiga farsamada, in sida ugu dhaqsiyaha badan ergooyinka loo xulo”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in mudadii ay joogeen Cadaado ay dhameystireen dib u heshiisiinta beelaha iyo wixii ka haray shirkii dib u heshiisiinta Dhuusa Mareeb, waxaana uu u mahad celiyay maamulka Ximan iyo Xeeb oo gacan ka geystay howlahaas.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hubin doonto shirka hanaanka iyo habsami u socodkiisa, isla markaana ay dhex dhexaad ka tahay arrimaha maamul u sameynta iyo dhinacyada danaha siyaasadeed ka leh Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa sheegay inay rajeynayaan in Maamulka Goboolada Dhexe uu noqdo mid dhameystiran oo ay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah.

Puntlandes.com

About The Author