Sawirro-Muuqaal: Hadaljeedintii Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ee Furitaanka Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada

30  Okt 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Furitaanka Kal-fadhiga 49aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Senator, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro, Taliyeyaasha ciidanka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha ayaa ka hadlay arrimaha Doorashooyinka Dawladaha hoose ee Puntland kubas oo ka qabsoomay degmooyinka Eyl, Qardho iyo Uffeyn, waxa uuna yiri “ Anigoo ka faa’iidaysanaya Munaasibadan qiimaha badan, waxaan boggaadinayaa sida habsamida leh ee ay inoogu socoto geedi-socodkii dimuqraadiyeynta Puntland gaar ahaan doorashooyinkii hordhaca ahaa ee ka qabsoomay Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn, waxaan hawshaas ballaaran uga mahadcelinayaa dhammaan shacab weynaha Puntland, Golayaasha Dawladda, Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ee TPEC, Ururada siyaasadda, Hay’adaha inaga taageera arrimaha doorashooyinka, saxaafadda iyo ciidamada amniga iyo nabadgelyada, waxaan Allah ka rajeyneynaa in doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka harsan guul inoogu qabsoomi doonaan.”

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 49aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Doorashooyinka.




Puntlandes.com

About The Author