Madaxweyne Qoorqoor oo Ahlusunna ka dalbaday inay hubka ku soo wareejiso ciidamada Galmudug

31 Okt 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka dalbaday ururka Ahlusunna inay hubka ku soo wareejiyaan ciidamada Maamulka Galmudug isla markaana ciidamada Ahlusunna isa soo dhiibaan.

Madaxweyne Qoorqoor oo kulamo ka wada magaalada Guriceel oo dhawaan ay dagaalo ka dhaceen ayaa duqeyda dhaqanka ka soo jeeda Guriceel u sheegay inay qasab tahay in Ahlusunna hubka ay haystaan soo wareejiyaan si looga baaqsado dagaalo markale ka dhaca gobolka Galgaduud.

Majiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Ahlusunna ee ku aadan dalabkan uu Madaxweyne Qoorqoor ku dalbaday inay hubka ku soo wareejiso.

Hase yeeshee, ciidamo faro badan oo haysta hub culus kana tirsan Ahlusunna ayaa waxaa ay ku sugan yihiin deegaanka Bohol oo illaa 30km u jira magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah dowlad goboleedka Galmudug.

Hase yeeshee Maamulka Ahlusunna ayaa marwalba sheega inay hubka u haystaan si ay isaga difaacaan Alshabaab oo muddo 12 sano ah dagaal u dhexeeyay.

About The Author