Sawirro: Madaxweyne Deni oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo

01 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka wado Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha. Waxaa Kala qeyb galay Madaxweynaha Kulankan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.


Puntlandes.com

About The Author