Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Deni oo daah-furay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta shaqo billaabay

13 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta shaqo billaabay.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland, in ay shaqadooda si madax banaan u qabsadaan, wuxuuna ku dhawaaqay in Dowladdu u fududeynayso guddiga inuu shaqadiisa u qabsado si waafaqsan shuruucda u yaalla.

Guddiga Warbaahinta Sare oo ah 7 xubnood ayaa ka kooban Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Ururka Qareenada Puntland, waxaana ka mid noqonaya Shaqadooda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga qofka weriye noqonaya, qaadista dacwadaha la xiriira Warbaahinta iyo Anshaxmarintooda.



Puntlandes.com

About The Author