Maqaalkii 4ta Madaxweyne/Aqoon Yahan Jaale Dahir

Sidaaa Horay u aragteenba waxaa inoo socday Maqaalkii 4ta Madaxweyne, waxaanna horay usoo sheegnay M Cabdulahi Yusuf AUN iyo M cade muse, markaanna waa Madaxweynihii hore Cabdirixman shekh maxamed Faroole,

Madaxweyne Cabdirixmaan waxuu la wadaagay dhamaan madaxweynayaasha uu Maqaalkaan kula jiro wax ay ka sinaayeen oo ahayd Naanays loo yaqaanay 4taba waxaana Cabdirixmaan looyaqaanay Farole, waxuu ahaa Madaxweynihii 3xaad ee Puntland sifa sharci ah kursigu ugu fariista, waxuu ahaa  Nin Go’aan adag, waxuu ahaa Hogaamiye dhab ah, Ruug cadaa ah, Siyaasi ah, waxuu ahaa Nin marna aan Gorgortan ka galin waxa Dan u ah Dadka iyo Dalka Puntland,waxuu ahaa Nin ayyan Banaanka usoobixin waxyaabaha uu damacsanyahay Siyaasiyan, waxuu ahaa Nin si dhakhsa ah u Fur fura Siyaasadda looga soo horjeedo, waxuu ahaa Nin Arimaha Siyaasadeed ee ka socda Gudaha PL Ama Villa Somalia og kana hortagijiray.

Waxuu ahaa Nin Xarigga Fiidkii laxiro Guntintiisa Saqda dhexe Fur furijiray, waxuu ahaa Nin Cidda kasoo horjeeda aan inta badan ku Qancin Jago lkn waxuu ku maarayn jiray siyaabo badan oo kale, waxuu ahaa Nin aan la gabban waxa uu aaminsanyahay, waxuu ahaa Nin Og Ninka Siyaasad ahaan kasoo jorjeeda waxuu ahaa Nin Qofka ama Kooxda ay is hayaan ku dhamaynjiray  arrima siyaasi ah  ama Awood Dawli ah, waxuu ahaa Nin Dadka iyo Dalka yaqaan, waxuu ahaa Nin Reer miyi ah Reer magaal ah labada dhaqanba aad wax uga yaqaan, waxuu markasta oo uu Lahadlayo Dadweyneha sida munaasabadaha ku hadlijiray kalmada Qadiimi ah oo dhaqankii hore ah,waxuu aad u ixtiraamijiray Culimada, waxuu ahaa Nin markasta Kusocda Talada uu isagu watoh Go’aankeedana leh,

Waxa uu ahaa Nin Fagaarayaasha Siyaasadeed ee inta Badan lagu wada hadalsiinjiray Dawladda Somalia iyo Puntland ha ahaato isqabad siyaasadeed oo ka dhexaya ama Shirar Hordhac u ah Kulama Calami ah oo Danaha Somalia lagaga hadlayo Ajandayaal loo sii jeex jeexayee waxaa markasta Meel Marijiray Dhaqangalka Heshiiskaasna ku soo bixi jiray Ajandayasha Puntland Miiskaas latagto.

Waxuu ahaa Nin Miisaan Siyaasadeed ku leh Arimaha Somalia waxaana Afrika iyo Adduunkuba u Qirsanayeen  Siyaasiga Somalia ugu Tunka weyn, Waxuu ahaa Nin aan loo yeerin loona dhehin Ajandayaasha Puntland leedahay marka laysugu tago  Shirarka Calamiga ah sigaar ahna Arimaha PL Madashaas uga jeedinjiray waxaan xasuustaa shirarkii looga hadlayay Mustaqbalka Somali, Horumarinta Africa iyo kii Dib udhiska Somalia (New Deal) oo ka kala dhacay LONDON, WASHIGNTON, IYO BRUSOLIS.

Waxuu ahaa Hogaamiye ay ku weyntahay Danta Dalka iyo Dadka waxaana Xasuustaa Maalin uu yiri annagu Hadaan nahay siyaasiyiinta Puntland banaanka waan isku Qaniinnaa lkn waxa naga dhexaya oo lamataabtaanka ah waa Dalka iyo Dadka, waxaa lagu xasuustaa 14-Jully 2013, Go,aankii uu ku joojay Doorashadii Axsaabta ee rabshadaha dhalisay, waxaakaloo Laguxasuustaa Aqbalaadii Halka Cod looga guulaystay ee Dorashadii 8 january 2014, Natiijadaas oo ay adkayd inuu Aqbalo Madaxweyne African ah, “Qofku mawada Fiicna oo waxaa jirah wax layiraahdo (Side effect)ama Dhanka aan wanaagsanayn waxaana lagu dhaliilaa inuu ahaa nin aan Dadka la tashan oo waxkasta go’aankiisa ku meel mariya, sidookale nin aan dulqaad ulahayn Hadalada dhaliisha ah ee lagu dhoho,intaas ayaan ku eegaynaa waxaana inoo xigi doona Madaxweyne Gaas insha Allaah, waxaana ugu damayn doona 4 Madaxweyne maxay iskaga mid ka ahaayeen maxayse ku kala duwanaayeen.

2046

QORE AQOONYAHAN:  JAALE DAAHIR

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author