Sawirro: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo kala warewgay Shirkadii dhisaysay Xafiiska Maamulka Gobolka Mudug
24 Aug 2022 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa maanta kala warewgay Shirkadii dhisaysay Xafiiska Maamulka Gobolka Mudug.
Munaasibadan waxaa goob joog ahaa iskuduwaha Wsaarada Arimaha Gudaha iyo Masuuliyiinta Shirkada Qaabilsanayd Dhismaha.
Dhismaha Xafiiska Maamulka Gobolka Mudug oo in muddo ah uu dhismihiisu socday soona bilaamay xiligii dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Dr cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u muuqda wali mid qabyo ah waxna ay ka dhiman yihiin.
Sida sawirada ka muuqata way burburtay Shamiitadii laga mariyey dabaqa kore korkiisa.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa markuu xilka la wareegay waxa uu si fiican u dardargeliyey shaqada maamulka gobolka.