Sawirro: Kacdoonka shacabka Laascaanood oo maalintii sadexaad socda

29 Dec 2022 (Puntlandes) Waxaa maalinkii sadexaad magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ka socda kacdoon ay shacabka magaaladu uga soo horjeedaan maamulka Somaliland ee nadaxweyne Muuse Biixi.

Magaalada ayaa waxaa xiran goobaha ganacsiga xiran iyo isku socodka, iyadoo habeen iyo maalinba ay shacabku dhigayaan banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan maamulka Somaliland.

S, oo magaalada ayaa sanadihii dambe waxaa ka socday dilida haldoorka iyo labeenta bulshadagobalka.

Ciidanka Somaliland ayaa rasaas u adeegsaday shacabka banaanbaxayey, waxaana la xaqiijiyey in ay geeriyooden ilaa hadda in ka badan 5 qof oo shacab ah, kuwaas oo la dilay iyagoo dareenkooda si nabad ah ku cabiraya.

Shacabka oo wata calanka Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya ayaa ku banaanbaxaya bartamaha magaalada Laascaanood, maalinkii sadexaad.

About The Author