Qaramada Midoobay  oo muujisay welwelka ay ka qabto Diiwaan galinta aan loo dhamayn oo Puntland…..

29 Dec 2022 (Puntlandes) Qaramada Midoobay, UN, ayaa shaacisay Qodobada ay ka wada hadleen  kulankii ay layeesheen madaxwaynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, taas oo ay Madaxtoyada Puntland qarisay oo aysan la wadaagin shacabka.

 Qoraalka lagu daabacay bogga ay Facebook ku leedahay Madaxtoyada Puntland ayaa looga qariyey shacabka qodobka ugu muhiinsan ee wada hadalada.

Qaramada Midoobay ayaa waxay shaacisay in ay madaxweyne Deni kala hadleen diiwaan galin loo dhan yahay oo rabshad la’aan ah.

Xogta ay shaacisay qaramada midoobey ee kala hadleen madaxwaynaha Puntland waxay muujinaysa welwelka beesha calamku ka qabto Diiwaan galinta aan loo dhamayn ee xukuumadda Deni gadaal ka Riixayso iyo cawaaqibka ka dhalan kara.

Hoos ka akhriso qoraalka Madaxtoyada Puntland iyo kan Qaramada Midoobay:

About The Author