Qurba-Joogta Puntland ee Finland oo Kulankii Billaha Ahaa Iskugu Timid.

Qurba-joogta Puntland  ee wadanka Finland  ayaa Shalay ooy taariikhdu tahay 31/5/2015 iskugu timid shirkeedii billaha ahaa Waxaana shirkaas lagu qabtay Hoteelka weyn SCANDIC ee bartamaha Helsinki shirkaasoo lagaga wada arinsaday wixii Jaaliyada u qabsoomay mudadii lasoo dhaafay. shirka waxaa furay Gudoomiyaha Qurba-joogta Puntland ee Finland(DUPF)  Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale  oo ajendaha shirka lawadaagay xubnihii shirka kasoo qaybgalay kuna booriyey isku duubnaan iyo waxqabad dhab ah Gudoomiyaha ayaa soo bandhigay qorshaha sanadka 2016ka .Candiqani ayaa si dhab ah ula xisaabtaya  xubnaha dalada midawga ururada Puntland ee Finland isagoo talo iyo tusaaleynba siiyey.

102b

Shirkan ayaa lagu qaadaa dhigay hawlihii Jaaliyada uqabsoomay taasoo ay kamid ahaayeen arimaha abaabulka bulshada iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Jaaliyada iyo shacabka Puntland. Dhanka kale waxaa diirada lasaaray dardar galinta iyo kor uqaadista waxqabadka xubnaha Jaaliyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kaalinta kaga aadan sidii qurba-joogta u maalgashan Lahaayeen dhulkoodii.

Waxaa madasha shirka laga soo jeediyay afkaar iyo talooyin dhaxal gal ah oo u horseedi karta ka midho dhalinta hirgalinta qorshe yaasha udajisan Jaaliyada. Maamulka iyo hawlwadeenada kala duwan ee Jaaliyada Puntland ee wadanka Finland  ayaa muujiyay furfurnaan iyo waliba ineey ku talaabsato tub qeexan oo lagu horumarin karo hawlaha waxqabadka . Waxay dhamaan xubnihii shirkan kasoo qaybgalay hoosta ka xariiqeen xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga kadhexeeya Jaaliyada iyo shacabka Puntland .

Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland Cabdifatax Jaamac Janagale ayaa soo bandhigay waxqabadka jaaliyada iyo xafiis weyn oo jaaliyada ay yeeleneyso iyo xiliga la furayo  sidoo kale wakiilka ayaa ka hadlay sidii loo mideyn lahaa qurba-joogta reer puntland ee yurub oo meel fiican mareysay wuxuu kaloo wakiilku ka warbixiyey safarkii uu ku tagay wadanka IRELAND .

 102

Xog hayaha jaaliayada Hanad boqor Cabdulaahi boqor muse ayaa isna ka hadlay dhaqaalaha ururka soo galay iyo howshii kunteenarka dhawaan la geyn doono puntland dhowaan iyo dhaqaalaha ku baxaya .

Xubnihii shirka kasoo qaybgalay oo meelo kala duwan kasoo yimid  ayaa muujiyay ururnimo, iskaashi iyo niyad samaan aad u qiima badan. kulankan ayaa kusoo dhamaaday guul iyo isfahan guud taasoo u horseeday in laga sal gaadho dhamaan ajendeyaashii kulankan loosoo agaasimay.

About The Author