Faalo: Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda PL ”210 miljan ayaa ku baxaysa Dhismaha Dekada Bosaso”

2 jun 2015 (Puntlandes)- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa sheegay in ay ku bixidoonto 210 miljan oo doolar Dhismaha balaarinta Dekadda Bosaso oo dhawaan ay dawlada GAAS la saxiixatay Hwshiiska Dhismaha nin Falastiin ah oo madax ka ah Shirka lagu magacaabo Divers Marine Contracting L.L.C.

Wasiirka oo faahfaahinaya mashruuca balaarinta Dekada Bosaso ayaa sheegay in uu bilaaban doono  bilowga bisha September ayna fulin doonto shirkad lagu magacaabo Divers Marine Contracting L.L.C,

Dib-u-habayn iyo ballaarin ayaa lagu sameyn doonaa qaybaha kala duwan ee Dekedda, Bosaso waxaana lagu soo kordhin doonaa haamo lagu kaydiyo Shidaalka, Qaybta badeecooyinka, qaybta konteenarrada, Qalabka lagu qaado onteenarrada, iyo qaybo kale oo badan.

Xaggee ka imaanaysaa Lacagta ku baxaysa, Mashruuca Yaase bixinaya?

Waxaa wax laga yaabo ah Mashuur ay ku baxayso lacag dhan 210 miljan oo aan la aqoon meesha ay ka imaanayso,ma CIRKAY sidii ROOBKII ka soo da’aysaa? Ma cid isqarinaysaa ku deeqday? Mise waa Riwaayad dadka loo dhigayo? Soow ma ahayn in shacabka reer Puntland loo sheego wax cad?

Shirka Divers Marine Contracting L.L.C ee balaarinaysa Dekedda Bosasao

Waxaan wada xusuusanaa in uu Bosaso soo gaaray nin Falastiin ah oo leh Shirka lagu magacaabo Divers Marine Contracting L.L.C, kaasoo heshiis kula saxiixday Madaxtooyada Bosaso madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali GAAS.

Waxaana ninkaas la socday Wasiirka Maaliyada Puntland Shire walaalkiis lagu magacaabo Ciise Shire oo la sheegay inay shirko ku yihiin ninka.

Ma tahay wax macquul ah Mashruuc uu ku baxayo aduun lacageed oo dhan 210 miljan oo doolar in hal nin uu ku saxiixo Boasao? Ma tahay wax macquul ah in aan la sheegin meesha ay ka imaanayso lacagtaasi? Ma tahay wax maqquul ah in hal nin la isaga Saxiixo Mashruus ay ku baxayso ilacag intaas l’eg? iyadoon shirkado badan u tarmain, aysana arintu ahayn Suuq madow?

Isku soo ururiyoo waxbaa QARSOON, waxaana jawaabteeda haya oo kaliya madaxweyne GAAS iyo xertiisa waxaana waajib ku ah inay shacabka reer Puntland u soo bandhigaan xaqiiqada jirta ee Mashruucaan ku saabsan.

104

Puntlandes.com

 

About The Author