SSC-Khaatumo oo markale ku celisay in aysan jirin ciidamo Puntland oo ka dagaalamaya Laascaanood

16 Apr 2023 (Puntlandes) Maamulka SSC-Khaatumo ee 33da oo warsaxaafadeed la xiriira arinta Laascaanood soo saaray ayaa markale ku celisay in aysan jirin ciidamo Puntland oo ka dagaalamaya Laascaanood.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:

SSC-Khaatumo waxa ay ka xun tahay sida wali maamulka Somaliland u wado marin- habaabinta bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka mar walba oo lagula taliyo in ay ciidamadooda duullaanka ah kala baxaan gobolka Sool, taas oo ay ugu dambeysay kulankii ay aaladda fogaan aragga ah kula yeesheen sabtidii qaar ka mid ah dayeeneyaasha arrimaha Soomaaliya.

Sida ku cad qoraal ka soo baxay maamulka Hargeysa oo lagu soo koobay nuxurka qodobadii ay isla soo qaadeen xubnihii beesha caalamka, dhammaantood waxa ay ahaayeen beentii uu maamulkaasi caadeystay intii uu dagaalka socday mar walba oo loo soo jeediyo in uu ciidankiisa kala boxo gobolka Sool. Sida ku cad bayaankooda waxa ay sheegeen in xubnihii beesha caalamka ku wargaliyeen Madaxweynaha maamulka Somaliland in uu ciidamadiisa geeyo deegaanka Oog, balse uu shuruud uga dhigay fulinteeda in ciidamada Puntland ka baxaan magaalada Laascaanood.

SSC-Khaatumo waxa ay arrintaas u aragtaa mid uu maamulka Somaliland kaga dhuumanayo wajihidda waaqica dhabta ah maadaama dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ogyihiin xaqiiqooyinka jira, ujeedka uu ka leeyahayna ay tahay in uu sii wado dagaalka, dhagahana ka fureysto baaqyada ka soo yeeraya codadka wax-galka ah ee bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ee loogu sheegayo in uu joojiyo xasuuqa shacabka Laascaanood, ciidankiisana geeyo Oog.

SSC-Khaatumo waxa ay markale ku celineysaa in aysan jirin ciidamo Puntland ka tirsan oo ka dagaalamaya Laascaanood, waxaana magaalada iyo deegaankaba difaacanaya dadkii lahaa.

Ugu dambeyn, SSC-Khaatumo waxa ay beesha caalamka uga mahadcelineysaa dadaallada joogtada ah ee ay ku bixinayaan sidii Muuse Biixi u joojin lahaa xasuuqa shacabka SSC- Khaatumo, waxaana markale ugu baaqeynaa maamulka Somaliland in ay ciidankooda kala baxaan Gobolka Sool oo ay geeyaan Oog.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug) Afhayeenka Guddida 33-da.

SSC-Khaatumo Laascaanood Somalia Media@ssckhaatumo.so

About The Author