Ergada Cadaado ku shirsan oo Qaybta Mudug ee Puntland ku darsatay Dastuurkooda, mee doorkii PL?

2026a

11 jun 2015 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Ergada ku shirsan Cadaado ay meel mariyeen inQaybta Mudug ee Puntland ay hoos timaado maamulkooda.

DFDS ta uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh oo maalmihii u dambeeyey u Durbaan tumaysay Colaad ay ka huriyaan soomaaliya taaso ku wajahan Jubaland iyo Puntland ayaa waxay gadaal ka hagayaan Ergada ay ku soo ururiyeen Degmada cadaado. Ergadaa oo isku raacday in maamulka loo dhisayo Koonfurta  Mudug iyo Galgaduud xuduudiisu ay tahay Gobalka Nugaal taasoo micnaheedu yahay in uu Gobolka Mudug oo dhan iyaga hoos yimaado ama ay leeyihiin.

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay laga soo bilaabo markii Villa Somalia ay wax ku saxiixeen 30 julaay 2014 Kooxda uu garwadeenka ka yihiin Xasan Sheekh, CabdiQaybdiid, Xaad, IndhoCade …. Inay doonayaan inay Har cad BOOBAAN Gobolka Mudug oo aad moodo dadkiisu inaysanba la socon oo hurdo dheer iska galeen.

Waxaa dad badan la yaaban yihiin oo iswaydiinayaan aaway doorkii dawlada Puntland? Aaway madaxweynihii Cabdiwali Maxamed Cali GAAS ee dhaartay loona igmaday ilaalinta Puntland?

Waxaa kaloo wax lala yaaban yahay noqotay REER MUDUG maxaa qaaday aaway doorkoodii? Ma dhulkooda oo la BOOBAYO ayey daawadayaal ka yihiin? Meeye doorkii Isimada, Nabadoonada, waxgaradka iyo qaybiha kale duwan ee Bulshada Mudug? Ma hurday ku jiraan? Ma iyagaa isfiirsanaya???? Waa inaynu xusuusnaano in Mudug shalay iyo maanta uu farqi wayni u dhaxeeyo ayna maanta Taariikh qormayso barina …..

Puntlandes.com

 

About The Author