Sawirro: Guddigii Doorashooyinka Puntland (PEC) oo xilka TPEC

27 Sept 2023 (Puntlandes.com) Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC) ayaa wuxuu si rasmi ah xilka ugala wareegay Gudddigii muddo xileedkoodu dhamaaday ee TPEC.

Guddoomiyaha PEC Fu’aad Abshir Axmed iyo kuxigeenkiisa Axmed Maxamuud ayaa waxay si rasmi ah xilka ugala wareegay Gudddigii TPEC Cabdirsaaq Axmed Saciid iyo kuxigeenkiisa Cali Dhagocadde.

Gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka cusub ayaa ugu mahadceliyay Gudoomiyihii hore iyo ku xigeenkiisa hawlihii cuslaa ee ay soo qabteen, waxay balanqaadeen inay horay usii wadi doonaan shaqada Doorashooyinka isla markaana ay dardargelin doonaan hawlaha guddiga horyaala.

PEC ayaa noqondoona Guddiga rasmiga ah ee ka shaqayndoonta Doorashooyinka Puntland.

About The Author