Golaha Wakiilada Somaliland oo cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Xeerka isa-saarka Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururradda

30 Sept 2023 (Puntlandes.com) Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Xeerka isa-saarka Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururradda kaasi oo muddooyinkii u dambeeyey ay ku hawlanaayeen guddi uu golahaasi u saaray iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa iminka cod aqbaliyad leh oo duuduub ah ku ansixiyey xeerkii doorashooyinka isa saarka ah

Xeer 91 ee Golaha wakiiladu meel mariyey ayaa waxaa ogolaaday:

Waa ogolaadey 63

Waxaa diiday 2

Waxaa ka aamusey 9

Xeer 14 ee Golaha wakiiladu meel mariyey ayaa waxaa ogolaaday:

Waxaa ogolaadey 65

Waxa ka aamusay 9

waxaaa diiday 0

Sidaas ayey waxay Golaha Wakiilada Somaliland ku ansixiyeen labadii xeer ee doorashooyinka Somaliland

About The Author