Muuqaal-sawirro: Musharaxa Madaxweynaha Puntland ee Doorashada 2024 DR Guled Salax Barre oo si diiran loogu soo dhoweeyey Garowe

30 Sept 2023 (Puntlandes.com) Musharaxa Madaxweynaha Puntland ee Doorashada 2024 DR Guled Salax Barre ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay olalaha doorashada 8da hjaanyo 2024ta. iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyey Garowe.

Musharax Guled Salax ayaa yiri “Walaalayaal maanta Puntland waxay maraysaa xaalad adag siyaasad ahaan, amni ahaan, dhaqaale ahaan iyo adeeg bulsho ahaan. Waxaad la socotaan in muddo xileedkii maamulka hadda jira gabogabo yahay doorashana aan laga shaqaynayn ee muddo kororsi laga shaqaynayo taasoo khatar wayn ku ah xasiloonida iyo nabadgalyada, waxaad ogtihiin in dastuurkii iyo xeerarkii wadanka lagu falaaday oo dano gaar ah loo badalay, garsoorkii in xukuumaddu afduubtay oo xattaa ay awoodi waayaan dacwadaha la geeyay inay ka jawaabaan, hay’adihii dawladdu inay tabar iyo tayoba beeleen, shaqaalihii dawladdu inaysan muddo 6 bilood ka badan mushahaar aysan qaadan, amnigii inuu faraha kasii baxayo (Bossaso, Gaalkacyo iyo Garowe), dhaqaalihii inuu aad u liito, shaqo la’aantii inay sii badanayso, mashaariicdii horumarinta dano gaar ah loo joojiyay, adeegyadii bulshadu aad u liitaan oo dadkii reer Puntland gobolo kale oo dalka ah iyo dalal bannaanka ah ay caafimaad u aadaan. Waxaas oo dayac ah waxaa keenay hogaan xumada Madaxweynaha iyo tayo xumada maamulkiisa.”

About The Author