Dallada Mucaaradka Puntland oo MD Deni ku eedaysay khalkhal gelin amni

11 Nov 2023 (Puntlandes.com) Dallada Mucaaradka Puntland oo ay ku midaysan yihiin Musharixiinta madaxweynaha, ku xigeenka iyo siyaasiyiinta Puntland ayaa madxaweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ku eedaysay inuu abuurayo khalkhal gelin amni Puntland.

Dallada Mucaaradka Puntland ayaa warsaxaafadeedka ku tiri “waxay rumaysan tahay in hadalkii gefka, xanafta iyo been abuurka xambaarsanaa ee ka soo yeeray Guddiga Amniga Gobolka Nugaal iyo Taliska Booliiska Puntland uu ahaa mu’amarosiyaasadeed oo ka timid Siciid Cabdullaahi Deni, ujeedaduna tahay khalkhal gelin amni, magac dil masuuliyiin iyo kicin bulsho laguna xalaalaysanayo beegsiga siyaasiyiinta ksoo horjeeda damaca ku dhisan muddo kororsiga iyo awood maroorsiga”

About The Author