Xohayaha guud ee Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland (PYPA) Asad Cabdul oo lagu dhaawacay Laascaanood

11 Nov 2023 (Puntlandes.com) Xohayaha guud ee Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland (PYPA) Asad Cabdul Shire Ereg ayaa xalay dhaawac loogu gaystay magaalada Laascaanood.

Siyaasi Asad ayaa booqasho ku tagay magaaladaas isagoo booqday Ciidamada iyo saraakiisha hogaaminaysa gaar ahaan ku gobolka Mudug.

Siyaasi Asad ayaa markii ay kulamadu u dhamaadeen waxa uu u safray dhanka Garowe kadibna markii uu soo gaaray Kontaroolka magaalada Laascaanood ayaa Xabado lala beegsaday gaarigii uu saarnaa.

Siyaasi Asad ayey Xabado kaga dhaceen Madaxa iyo Kalxanta, waxaana soo gaaray dhaawac aad u culus iyadoo isla xalay la keenay mid ka mid ah Cisbitaalada Garowe.

Siyaasi Asad waxaa maanta loo qaadayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya si halkaas loogu daaweeyo.

Siyaasiga ayaa waxa uu ka tirsanaa Dalladda Mucaaradka Puntland oo ay ku midaysan yihiin dhamaan Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta Puntland, wuxuuna ka shaqaynayey in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni doorashada ku qabto xiligeedii 8da janaayo 2024ta aysana dhaafi karin.

Asad ayaa wuxuu yahay nin dhalinyo ah oo aqoonyahan ah kaalin xoogana ka soo qaatay ka shaqaynta horumarinta Bulshada, isagoo muddo dheer ka mid ahaa Boodhka Mashruuca Horumarinta degnada Bursaalax ee gobolka Mudug marna kasoo noqday gudoomiyaha Boodhka.

About The Author