Sawirro: Ergayga UN Soomaaliya oo Garowe kulan la xiriira Khilaafka doorashada la qaadatay Daladda Mucaaradka Puntland

11 Nov 2023 (Puntlandes.com) Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa Garowe kulan kula qaadatay Daladda Mucaaradka Puntland oo iyagu doodoodu tahay in Doorashadada madaxtinimada wakhtigeeda la qabto meeshana laga saaro aragtida muddo kororsiga oo ay ku eedeynayaan xukuumadda wakhtigeedu sii dhammaanayo.

Musharax madaxweyne Gen Asad Cismaan Diyaano ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku yiri “Waxaan maantay magaalada Garowe annagoo ah Dalada Mucaaradka Puntland la qaadanay kulan iyo isxogwareysi wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya Ms Catriona Laing.

Waxaana ugu muhiimsanaa sidii loo heli lahaa doorasho wadar-ogol ah oo nabad uga dhacda Dowladda Puntland.

Waan u mahadcelinaynaa UN-ka iyo guud ahaan saaxiibada Soomaaliya ee u taagan dalkeenna oo nabad ah”.

About The Author