Ergayga UN ee Soomaaliya oo kulan la xiriira doorashada la isku khilaafsan yahay layeelaya PUNSAA

11 Nov 2023 (Puntlandes.com) Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang iyo wafdi ay hoggaaminayso oo Garowe soo gaaray ayaa la kulmay Dallada Bulshada Rayidka (PUNSAA), iyagoo ka wada hadlay arimaha la xiriira Doorashada Puntland iyo xal u helida khilaafka siyaasadeed.

PUNSAA ayaa cadaysay ahmiyada ay Puntland u leedahay doorasho nabad ku dhacda iyo in wadahal lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed lagana fogaado tallaabo walba oo ay ka dhalan karto colaad taasoo saamayn taban ku yeelan karta bulshada.

Sidoo kale PUNSAA ayaa waxay Ergayga kala hadashay xaaladda kasoo cusboonaatay gobolka Sool iyo colaahadaha ku salaysan qabiilka ee ku baahi kara deegaankaas hadaan laga hortagin.

About The Author