Muuqaal: Hadaljeedinta MD Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka JFS, kana hadlay arimo badan

25 Nov 2023 (Puntlandes.com)  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad dheer ka jeediyey furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka JFS ayaa ka hadlay xaalka guud ee dalka sida Dhamaystiska dasytuurka dalka, Dayn cafinta, qaadista Cunaqabataynta Hubka, la dagaalanka Alshabaab, Ku biiristii Suuqa Afrida Bari, Khilaafka ka jira Puntland. Maxaabiista lagu qabtay dagaalkii Goojacadde iyo qodobo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in Dastuurka KMG la soo bilaabay sanadkii 2012, lana soo gaaray Waqtigii la dhameyn lahaa, isagoo xusay inay aheyd in Baarlamaankii 9aad in la qabyo tiro, balse laga gaabiyay.

Waxaa uu tilmaamay in Dastuurka KMG uu caqabado badan oo dowladda dhexdeeda inuu leeyahay, caqabadahaas ay xalismayaan haddii Dastuur rasmi ah la helo, wuxuu soo hadal qaaday heshiisyadii siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaran oo loo soo gudbiyay Xukuumadda Federaalka, si ay u hor keenaan golayaasha Baarlamaanka iyagana si wadaniyad iyo mas’uuliyad ay ku jirto maareeyaan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlaya khilaafka dpoorashada Puntland iyo maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Goojacaddae ayaa yiri “Waxa aan daminay colaaddii Laascaanood, haddana waxa aan ku howllanahay in aysan mid kale dhicin lana is dhaafsado maxaabiista….waxa aan ka xumahay dhiillada ka taagan Puntland, waxa aan leeyahay waxgaradka iyo odayaasha samataliska ah halla dhegeysto.”

About The Author