Xildhibaan hore DFS Saleban Xuubsireed “Geedi-caano leh Waxaa laga maalay Dhiig iyo Barakac”

30 Nov 2023 (Puntlandes.com) Xildhibaan hore ee Golaha Shacabka Baarlaanka Soomaaliya isla markaasna ah Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Saleebaan Maxamuud Xaashi (Xuubsireed ) oo qoraal soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay ayaa uga hadlay khilaafka doorasho ee Puntland.

Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaanka:

TALADII BA’DAYOOW SOOW TALO KUUMA DHALATO

Hayaankii Puntland ee la magac mabax “GEEDDI CAANO LEH” waxaa laga maalay dhiig, barokac, qalalaase siyaasadeed iyo is qoonsi bulsho.

Hayaankaasi ma lahayn sahan soo odorosay meesha reerka loo rarayo iyo in xerada loo guurayaa ay ka fiican tahay midda hadda la joogo.

Hadda waxaa inoo caddaatay xerada cusub ee loosoo hayaamay inaysan dhawayn oo jidku dheer yahay. Waxaa inoo caddaatay sahayda aan wadano inaysan inagu fillayn. Waxaa inoo caddaatay in ay ka sokeeyaan colaado iyo dagaallo lagu hooban karo kuwaasoo laga dhexlo burbur bulsho iyo haantaa wilif.

Hadaba waxaa inala gudboon intaynaan fogaan ee aan ku noqono xeradaan kasoo guurray, iyada waa naqaanaa sidaan ugu noolaan lahayn. Intaa kaddib inagoo dayaar garownay dadkuna is raacsan yahay aan wada guurno.

Kuwa talada aan la ruugin reerka ku geeddi gelinayoow waa in talo idiin dhalataa mar hadday caddaatay taladiinii inaysan tub habboon ku dhammaanayn.

About The Author