Muuqaal: Madaxweyne Deni oo warbaahinta ku eedeeyey barakicintii ku timid ka dib markii shacabka Garowe dareemeen cabsi dagaal

29 Nov 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo mudo xileedkiisa dastuuriga ay harsan tahay 38 maalmood ayaa maanta madal uu ka hadlayey aad uga cawday warbaahinta oo uu ku Eedeeyey barakicintii ku timid ka dib markii uu magaalada kusoo daad gureeyey bolaal askari oo wata gadiid dagaal oo tiro badan.

Wuxuu sheegay in ay jiraan xagjir siyaasadeed oo uu ula jeeday mucaaradka ka soo hor jeeda muddi kororsiga uu wato. Hadaba yaa ah xagjir ma isaga oo mudo xileedkiisii dhamaaday doonaya in uu sharci daro kursiga ku sii joogo mise mucaaradka oo leh sharciyadii waa ka dhamaatay ee doorasho gal oo aan tartano?

Deni hadii uusan xagjirka siyaaasadeed uu sheegay isagu ahayn muxuu u diidan yahay doorasho gal mudo xileedkaagii waa dhamaaday?

About The Author