Muuqaal: Madaxweyne Deni iyo xisbiyada siyaasadda Puntland oo kahadlay doorasho qof & cod ah

02 Dec 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Xisbiyada siyaasada Puntland, shirkaasi ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.

Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa kulankooda xoogga ku saaray, isu diyaarinta dhameystirka Doorashooyinka Dadweyne waxaana ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD , IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA.

About The Author