Sawirro-Muuqaal: Musharax Dr Gaas iyo Musharaxiinta kale oo gudiga doorashada uga digay in boob lagu sameeyo liiska xildhibaanada qabiiladu soo gudbiyeen

31 Dec 2023 (Puntlandes.com) Musharax Madaxwayne ahna Madaxwaynihi hore ee Dowladda Puntland Dr Abdiwali Mohamed Ali Gaas iyo Musharaxiinta kale ee xilka Madaxwaynaha Puntland oo kulan ku yeeshay  Xarunta Madaxweynihii hore ee Puntland mudane Abdiwali Mohamed Ali Gaas ayaa waxay gudiga doorashada uga digeen in boob lagu sameeyo liiska xildhibaanada qabiiladu soo gudbiyeen.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay inuu ku hawlan yahay inuu wax ka bedel ku sameeyo xildhibaanadii Beeluhu soo xusheen.

Caawa ayaa la filayaa in la shaaciyo liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee 2024-2029, kuwaas oo fadhigooda u horeeya yeelan doona berri 1da janaayo 2024 oo muddo xileedkoodu u bilaabanayo.

About The Author