Sawirro: Wasiirada cusub ee wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumeysiga & Tamarta, macdanta & biyaha oo xilka lawareegay

12 Mars  2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qeybgalay munaasabadaha ay xilka Kula wareegayeen Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumeysiga iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Wasiirada cusub iyo Kuwii hore ee maanta uu xilka u kala wareejiyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa kala ah :-

* Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Mudane Axmed Shire Siciid iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Cabdalle Cali Maxamed, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

* Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Rashiid Maxamuud Yuusuf, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

* Wasiirka cusub ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Mudane Liibaan Muuse Boqor iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Caarshe Maxamed Siciid, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay dhammaan Wasaaradahan iyo shaqooyinkii ay qabteen, wuxuuna Wasiirada cusub u rajeeyay in ay hore ugasii wadaan halkaasi loogu dhiibay shaqooyinka aasaasiga ah ee Dowladnimo iyo u adeegida dadweynaha Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka xilwareejinta Wasaaradaha kala qeybgalay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani, Hantidhawraha guud ee dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Faarax, Xisaabiyaha Guud ee dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil, Xeer Illaaliyaha Guud ee dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Yuusuf, Madaxa Shuruucda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xasan Aw Cismaan iyo Agaasimaha Xiriirka Goleyaasha Madaxtooyada Mudane Asad Faarax Maxamed.

About The Author