Sawirro: Wasiirka cusub ee wasaaradaha Xanaanada Xoolaha dawladda Puntland oo xilka la wareegay

12 Mars  2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka qeybgalay munaasabadaha ballaaran oo uu xilka Kula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf-Dhuux

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa xilka u kala wareejiyey wasiirka cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Mudane Maxamed Cabdullaahi Libaaxe, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay Wasaaradaan iyo shaqooyinkii ay qabatay, wuxuuna Wasiirka cusub u rajeeyay in uu hore ugasii wado halkaasi loogu dhiibay shaqooyinka aasaasiga ah ee Dowladnimo iyo u adeegida dadweynaha Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka xilwareejinta Wasaaradaha kala qeybgalay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani, Hantidhawraha guud ee dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Faarax, Xisaabiyaha Guud ee dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil, Xeer Illaaliyaha Guud ee dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Yuusuf, Madaxa Shuruucda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xasan Aw Cismaan iyo Agaasimaha Xiriirka Goleyaasha Madaxtooyada Mudane Asad Faarax Maxamed.

About The Author