Sawirro: Gudddiga daradargalinta ganacsiga Puntland oo kormeeray Garoonka diyaaradaha C/laahi Yususuf & goob horey loogu talagalay in laga dhiso Garoon diyaaradeed

24 Mars 2024 (Puntlandes.com) Gudddiga daradargalinta ganacsiga Puntland oo soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa kormeeray Garoonka diyaaradaha C/laahi Yususuf iyo xaafisyada Xarunta Wasaaradda ee gobolka Mudug.

Gudiga ayaa warbixino kala duwan ka dhagaysteen Maareeyaha garoonka diyaaradaha Saciid C/raxmaan Dhagaweyne Iyo xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey,

Sidoo kale gudiga ayaa waxay booqdeen goob horey loogu talagalay in laga dhiso Garoon diyaaradeed oo cusub kaas oo duleedka waqooyi kaga beegan magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambayn Guddiga dardargelinta Ganacisga ayaa booqaday Wasaaradda Deegaanka xarunteeda magaalada Gaalkacyo.

 Guddiga ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay deegaanka Garacad ee degmada Jariiban, iyagoo kormeeray Dekedda Garacad iyo Maxjarka.

About The Author