Beesha Caalamka ”… ku-talagalka adag ee DFS kutalagashay horumar ay kasameyso dhameystirka Dastuurka, waxana ku boorineynaa dhammaan saamileeyda inay ..wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay”

31 Mars  2024 (Puntlandes.com) Beesha Caalamka oo warka ay caawa soo saartay sida ka muuqata erayada la adeegsaday, ku sheegtay wax kasta oo la qabtay oo Dastuurka 4ta ah maba soo qaadin, umana aqoonsan shaqo la qabtay, ee Kutalagal aan dhab aheyn bay laga dhigay.

Wax kasta oo golaha baarlamaanka 11-aad maalmaha dhan loo dhiibay, Xildhibaano loo dhibay, Madaxweynuhuna maanta saxiixay, waxay kasoo qaadeen “Kutalagal” aan dhammaad joogin, lama soo qaadin talaabadii baarlamaanka iyo saxiixiba taas oo kadhigan in aysan Natiijaba jirin, layska orday Camal.

Loogama sii harine’e, dhammaan Saamileyda iyo Madaxda DG ayaa loogu yeeray in ay dadaalkooda laba jibaaran, ku aadan dhisida wadar ogol iyo hanaan loo dhan yahay oo Dastuurka lagu dhameystiro, Shaqo kasta oo la qabtay waxba kama jiraan haddii aysan laheyn Geedi socod loo dhanyahay.

Si kasta Beesha Caalamka waa is baraxday, madaxweynaha, guddoonka iyo kooxdana waa lala hadlay si aan leexad laheyn, Tani waa dharbaaxo adag oo kudhacday qorshaha Madaxtooyada oo Hambalyeyn sugeysay.

Hoos ka akhriso Bayaanka Beesha Caalamka:

31 Mar2024

Bayaan ay saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamku ka soo saareen dib u eegidda dastuurka

Muqdisho – Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya* waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta. Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu  xoojineysa dowrka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.

Waxaan sidoo kale qireynaa ku-talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileeyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda  wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub , Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

About The Author