Sawirro: Puntland iyo Itoobiya ooy u furmeen wada xaajoodyo ku saabsan iskaashiga labada dhinac

03 Apr 2024 (Puntlandes.com) Puntland iyo Itoobiya ayaaa waxaa u furmauy wada xaajoodyo ku saabsan iskaashiga labada dhinac ee Ganacdsiga, Maalgashiga, Kaabayaasha dhaqaalaha, ammaanka iyo Waxbaradshada.

Wada xaajloodka ayaa waxaa dhinaca Itoobiya hogaaminaya wasiiru dowlaha arrimaha dibada Mesganu Arga, halka dhanka Puntland na uu hogaaminayo wasiirka Maaliyada.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda Arrimaha dibada Itoobiya, dhinacyadu waxay isla garteen muhiimada ay leedahay in xariirka ganacsiga, amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha sare loo qaado, Puntland iyo Itoobiyana xoojiyaan iskaashigooda.

Ambasador, Mesganu Arga ayaa xaqiijiyey in ay Itoobiya doonayso inay adkeyso xariirka ay la leedahay Pubtland, isagoo tilmaamay in xariirkaas uu ahaa mid soo jireen ah.

Puntland ayaa xooga saaraysa sidii ay qeyb uga heli lahayd Suuqyada Itoobiya ee ganacsi, waxaana laga wada hadlay sidii Kastamka Tuurdibi- Suuqyada Itoobiya ilaa Dekeda Garacad layskugu xiri lahaa.

About The Author