Madaxweyne Muuse Biixi oo Wareegto ka soo saaray Cayimida doorashooyinka Somaliland

21 Apr 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Somaliland;

Waxaan Soo-saaray;

In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.

About The Author