Dhageyso: Dowladda Puntland oo ku amartay xubnaha ka jooga Xamar inay si deg deg uga soo baxaan

0

Garowe (Pes) Dowladda Puntland ayaa si deg dega ugu yeertay xubnaha ka joogay Xamar inay muddo 15 cisho ah ku yimaadaan gudaha Puntland
.
Go’aankaan ayaa ka dambeeyay shir deg deg ah oo galabtay galinkii dambe xarunta madaxtooyada ay ku yeesheen golaha wasiirada ee dowladda Puntland oo uu shir gudoominayay madaxweyne Gaas.

War-saxafaadeed kasoo baxay shirkaan oo uu saxaafada u aqriyay madaxweynaha ayaa shirjaraa,id oo qabtay wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay gabi ahaanba xiriirkii u jartay dowladda Xamar.

Dr Gaas ayaa intaas ku daray inay kasoo horjeedaan heshiiska maamulka u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo uu ku sifeeyay inuu kasoo horjeedo dastuurka kmgah ee Soomaaliya. Islamarkaana uu yahay xad gudub lagu sameynayo dhul kamid ah Puntland.
Dr Gaas ayaa ku amray xubintii, (Caasho Geelle Diiriye), ay Puntland ku lahayd Gudiga dib u eegida dastuurka in ay ka soo baxdo gudigaas. Caasho Geelle Diiriye ayaa ahayd gudoomiyaha gudigaas.

Ugu dambayn dowladda Puntland ayaa sheegtay inay ka xun tahay in beesha caalamku goob joog ka ahaadaan qorshihii Muqdisho shalay lagu gaaray, waxayna sheegtay wixii ka yimaada oo dhibaato ah inay dusha saarandoonto xukuumada Soomaaliya.

Maalintii shalay ayay ahayd markii madaxda dowladda federalku soo bandhigeen hishiis ay ku tilmaameen in maamul heer federal ah loogu dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud

Halkaan ka dhageyso codka madaxweynaha.

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *