Daawo Video: Muxuu Dr Gaas uga dayday Jaale Syaad.

0

Galkacyo (Pes)  Marka aan eego qaab dhaqanka madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaan soo xusuustaa sidii uu u dhaqmi jiray Jaale Maxamed Siyaad oo inqilaab ku yimid xukunka dalka 21 oktoobar 1969 xoogna ku xukumayey soomaaliya ilaa janaayo 1991.

Siyaad wuxuu ahaa AUN nin xukun jacayl wax walba u sameeyey. Wuxuu ahaa oday aan aqoon waxbarasho lahayn laakiin aad u yaqaanay Soomaalida.Wuxuu Siyaad samaystay Guulwadayaal niman uu ula baxay oo uu dalka ku xukumayey.

 

Waxay aad iyo aad u buunbuunin jireen Guulwadayaashu Siyaad Bare iyagoo heesho amaan ah iyo sacbis la dabajoogi jiray odoga. Waxaa ka mid ahaa heesihii ay u tiriyeen ”Guulwadoow Siyaad, aabihii garashada…”

Guulwadayaashu waxay aad u wayneeyeen maalintii dalku mugdiga galay 21 oktoobar. Iyagoo waxaan jirinba ka soo qaaday maalintii xoriyada.

Sanadka intiisa badan waxaa ka qaadan jirtay xukuumadii Siyaad iyo Guulwadayaasheedaba abaabulka iyo u diyaar garowga 21 ka oktoobar.

 

Waxaa caado u ahayd Siyaad in uu 20 ka oktoobar oo ah maalinta ka horeysa 21 ka oktoobar uu saxaafada ka muuqdo isagoo hadba meel isku qaadaya Guulwadayaashiisuna ay leeyihiin mashariic buu furayaa oo marba meel ay Bulukeeti intay u dhigaan odayga ay dhahaan mashruuc buu dhagax dhigay mid kalena waa uu furay.

 

Dr Gaas madaxweynaha Puntland oon xoog ku imaan ee la doortay 08-01-2014  wuxuu u dhaqmayaa sidii Jaale Siyaad. Wuxuu samaystay Guulwadayaashii Jaale Siyaad, waxaa meel walba caawa Puntland ka lulanaya sawirada Gaas oo marba gacan taagaya sidii Jaale Siyaad oo Guulwadayaashiisu ay ku sawiri jireen sawiro ka tarjumaya Waxbarasho, Shaqo adag, kaluumaysi iwm. Gaas na maanta sidii Jaale Siyaad buu samaynayaa.

Waxaa qoraalkan igu kalifay marka aan la yaabay sida uu Dr Gaas ugu dayanayo Jaale Siyaad. Maanta oo 31-07-2014, maalin ka hor 1 da agoosto ayey Dr Gaas iyo Guulwadayaashiisu Garowe marba dhinac u xawaareeyeen, marbana meel intay sidii Siyaad isku raraan ayey dheheen sidii Jaale Siyaad mashaariic ayaan furnay qaarna waanu dhagax dhignay.

 

Halkaan ka daawada Dr gaas iyo maanta 31 july 2014.

Halkan ka daawo Jaale Siyaad isna

Xafiiska Wararka

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *