Puntland oo ku dabaaldegaysa 16 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay mugdi, kala daadsanaan iyo habacsaan tii abid soo marta

0

Gaalkacyo (Pes): Puntland waxay jirsatay 16 sano maanta oo ku beegan markii dhidibada loo taagay 1 dii agoosto 2014. Laakiin wax wayn ayaa ka badalan sanadkan sanadadii hore ee soo maray Puntland taariikhdeeda. Maxaa yeelay waxay sanadkan ku dabaaldegaysaa kala goyn, mugdi, kala daadsanaan, isku dhexyaac iyo habacsaan tii abid soo marta. Waxaana sabab u ah hogaanka jilicsan ee madaxweynaha Puntland Dr Gaas.

363

Puntland maantay waxay ku dabaaldegaysaa iyadoo ay maamushaan rag raba kaliya ay cunaan Puntland aana garan karin waxa ay dhaxalsiinayaan ubadkooda iyo rag cadow u ah oo raba in uu dumiyaan ama marba dhinac ruqsadaan.

Qaar ka mid ah aqoonyahanada Puntland ayaa waxay ugu baaqayaan Shacabka Puntland in ay feejignaan mujiyaan talona isugu noqdaan. Gaar ahaan waxay ka codsadeen reer Mudug in meesha ay ka kacaan oo ay muujiyaan in aan Gobolkooda nin Xamar Taangi AMISOM ku jiraa usan dhici karin. Waa waajib saaran qof walba oo reer Mudug ah oon ahayn kuwa hungurigooda u nool in ay u istaagaan difaaxcida Gobolkooda barwaaqada allah ku manaystay ee Mudug.

 Ogaadana waxba ha ka sugina reer Mudugoow Dr Gaas ka xalay ku soo baraarugay markuu arkay in uu kursigiisii qiil qiil ku jiro. Horuu waa u ogaa, waana lala socodsiiyey Dr Gaas, maxuu markaa uga hadliwaayey. Muxuu maalinkii Xasan Culusoow uu lahaa Mudug iyo Galgaduud baan dowlad u dhisay uu uga hadli waayey? Waa kan 48 saac ka dib dhahaya xiriir aan sharci ahayn baan jaraye. Ma dhacaan baa ah arin lala sugikaro 48 saac.

 

Gaalkacyo

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *