Sawirro: Booliska gobalka Karkaar oo howlgal ka sameeyay deegaanka Biyo Gaduud

04 Feb 2025 (Puntlandes.com) Booliska gobalka Karkaar ayaa howlgal ka sameeyay deegaanka Biyo Gaduud oo katirsan Karkaar, laguna tuhunsan yahay xubno kamid ah argagixisada Daacish.
Guddoomiyaha gobalka Karkaar Cabdi Siciid iyo Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Karkaar, G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa hoggaaminayay howlgalka, iyagoo kulan la qaatay waxgaradka deegaanka – oo ay kula dardaarmeen la shaqeynta ciidamada Amniga iyo in ay kusoo wargeliyaan dhaqdhqaaq walba oo ay arkaan.






