Ciidanka Puntland oo Argagixisada kala wareegey deegaanka Dharin ee Togjaceel

04 Feb 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland oo ku guda jira wajiga labaad ee Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish – ayaa weerar ku qaaday bartamaha Tog-jeceel oo ay saldhigyo ku lahaayeen argagixisada Daacish.
Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ayaa shaaciyay in la jabiyay maleeshiyaad katirsan Daacish oo isku dayay in ay is difaacaan.
“Ciidanku xoog ayey Argagixisada kagala wareegeen deegaanka Dharin ee Togjaceel, Argagixisadii Daacish wax la dilay iyo wax firxaday.”