Sawirro: Taliye Ku xigeenka Booliska Puntland oo kormeeray dhalinyarada aqoonyahan ah oo tababar uga socdo kuliyadda tababarka ciidanka booliska soomaaliyeed ee Carmo

04 Feb 2025 (Puntlandes.com) Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska DPL Gen Caydiid Axmed Nuur ayaa maanta kormeer shaqo ku yimi kuliyadda tababarka ciidanka booliska soomaaliyeed ee carmo halkaas uu tababar uga socdo dhalinyarada aqoonyahanka ah ee dhamaysay jaamacadaha dalka ka mid noqonaya ciidanka boliiska,Taliyaha Dugsiga tababbarka ee Carmo Gen Muuse Xasaasi iyo Saraakiisha Kulliyadda ayaa taliyaha kusoo dhoweeyeya dugsiga tababrka ee Carmo.
Taliyaha Dugsiga tababbarka ee Carmo Gen Muuse Xasaasi ayaa taliye ku xigeenka lawadaagay warbixinta guud ee dugsiga iyo heerka tababarku marayo isago guul urajeeyay.
Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska DPL Gen Caydiid Axmed Nuur ayaa bogaadiyey sida quruxda badan ee tababarku ugu socdo ciidanka sidoo kale wuxuu kormeer ku maray dhamaan fasaladda iyagoo qaadanaya duruusta wuxuuna u mahadceliyey macalimiinta sida hagar la aanta ah wax u bareysa ardeyda.
























