Sawirro: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo Isbitaalka ku booqday Gen Fu’aad Xanaano & Naftood hurayaashii kale ee ku dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada

10 Feb 2025 (Puntlandes.com) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, oo socdaal ku jooga Addis Ababa ayaa Isbitaalka ku booqday Gen. Fu’aad Xanaano iyo Naftood hurayaashii kale ee ku dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad, saraakiishaasi oo Dowladdu Caafimaad ugu dirtay dalka Itoobiya, booqashada waxa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyey Xildhibaan Cabdirisaaq Shariif Axmed iyo Xildhibaan Khadar Faarax Maxamed oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Ku-xigeenka Wakiilka Puntland ee Itoobiya Xiirey.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u kuurgalay sida wanaagsan ee loo daryeelayo oo daaweyntu ugu socoto geesiyaasha usoo dhaawacmay dalka iyo dadka, Wuxuuna muujiyay sida Dowladda Puntland uga go’an tahay daryeelka Ciidamada kusoo dhaawacma Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, isagoo Dowladda Itoobiya uga mahadceliyay doorkooda hawalka Argagixisada looga sifeynayo Puntland.

About The Author