Duqeymo culus oo caawa ka dhacay labo aag oo ay ku sugnaayeen argagixisada Daacish

12 Feb 2025 (Puntlandes.com) Duqeymo culus ayaa caawa ka dhacay labo aag oo ay ku sugnaayeen argagixisada Daacish, kuwaas oo ku yaalla deegaanka Shebaab ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.
Sida uu sheegay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada, duqeymaha ayaa lagu dilay 30 xubnood oo katirsan argagixisada Daacish, una badnaa Ajaanib, halka la burburiyay gaari saad u sidday argagixisada.
“Labo duqeyn oo caawa hawlgalku ka fuliyey degaanka Shebaab ee buralayda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 Argagixiso Daacish ah oo Ajanabi u badan iyadoo lagubay gaarigii Saadka u waday. Hawlgalku waa Cir &Dhul.”
Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ayaa ku guda jira wajigiisii labaad, ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa si ba’an u jabiyay argagixisada labo dagaal oo ay isku wajaheen furimaha hore ee Togga Jeceel, iyadoo laga dilay in kabadan 200 oo xubnood.