Maqaal-Qeybtii 3aad: Puntland weli ma qaangaarin

Qeybta sadexaad oo ugu danbeysa maqaalkan waxaa noqon doontaa dhameystiran inta ka dhiman qodobadii aan qaarkood soo sheegney iyo talo bixin guud.

5:  Wada haysashada hubka shacab iyo dowladba:

Hubka ay leedahay Dowladda Puntland mid le eg ama ka badan waxaa haysta qabiilada, taasoo Puntland ka dhigeysa deegaan ay labo dowladood kawada taliyaan ayna ehelnimo iyo is afgarad kuwada joogaan, dowladuna ay haysato magac dowladeed iyo shaabad, qabiilkuna yahay dowlad kaloo ku hoos nool oo aan sharciyad dastuuri ah haysan laakiin leh awood la siman oo aan amar la siin karin, ayna tahay iney labada dowladood is tixgeliyaan iskuna dhex noolaadaan, qolowalbana ay ku ekaato awoodeeda iyo arlada ay maamusho. Waana midda keentey askarigu intuu u shaqeynayana ay hubkiisa dowladdu leedahay maalintuu ka gadoodana uu yiraahdo hubka qoyskeyga leh. Tani waa caqabadda ugu weyn ee hortaagan iney Puntland hana qaado, hadii aan xal loo helinna wey adag tahay in Puntland laga hirgeliyo dowladnimo taam ah.

 tusaale: iskudaygii Madaxweyne Farole July 2013 inuu doorasho xizbiyo ku dhisan qabto iyo falcelintii gacan ka hadalka ahayd ee lugu joojiyey waxay muujisey dowladda yar inaan la marsiin karin wax ay dowladda weyn wadato oo aan awal lagala tashan, haddii la damco in lugu khasbana ay gacan ku joojineyso. Puntland waxay u baahan tahay qorshe  hubkadhigis shacab kahor inta aysan ka fakerin doorasho shacab, sababtoo ah dadweyne hubeysan dowladdii sanduukhyo u geysa si ay u codeeyaan hadhowna natiijada ugu qancaan waxaan filayaa waa dowlad duni kale ku nool.

6: Kudhaganaanta dhaxalkii hore iyo dhibsiga isbadelka:

Kudhaganaanta wixii la arki jirey ama lasoo marey waxay  Puntland ka noqotay dhaqan caadiya taasoo keentey inaan wax tillaabo ah horey loo qaadi karin ee marwalba meeshii uun la taagnaado hadaanba dib loo socon, lana dhibsado ama laga horyimaado hirgelinta sharci dowladnimo ama keenista aragti cusub, waa dhaqan lala qabsaday luguna caana maalay laakiin ma aha mid la cuskan karo ama la isku halleyn karo ama ku haboon xilli kasta. Maadaama deegaannada Puntland ay lahaan jireen dhaqamo wanaagsan oo soo jireen ah oo laga dhaxlay duqeydii iyo dadkii hore taasi waxay keentey iney bulshadu u aragto wixii soojireenka ahaa iney yihiin dariiqa kaliya ee lugu socon  karo ama dowladnimo lugu gaari karo, waana midda keentey inaan laga gudbin wixii lugu bilaabay 17 sano kahor.

 Tusaale: xubnaha barlamaanka ee ay tiradoodu tahay 66 xubnood oo ay odoyaashu soo xulaan iyaguna doorta madaxda sare, waxay ka mid yihiin  isbaarooyinka waaweyn oo weli ku horgudban shacabka codkiisa in la maqlo ayna gacantooda ku doortaan madaxda ay rabaan iyagoo u madaxbaanaadaan. Badanaa marka madaxweyne Puntland la dhaliilayo waxaa ladhahaa wax aan horey loo arag buu keeney iyo madaxdii hore saan ma sameyn jirin, fikirka noocaan ah waa arki jirey doon iyo asal raacnimo madhaleys ah oo curyaamineysa abuurista fikir cusub iyo maskax furan , wuxuuna caqabad ku yahay hirgelinta nidaam dowladeed oo sharciyad iyo dastuur ku dhisan ee aan u xayirnaan wixii odoyaashii hore lagasoo gaarey.

Caadi ahaan aduunka oo dhan marka la doonayo in isbadel dhab ah la sameeyo caqabadaha ugu waaweyn ee ka horyimaada waa dhaqamadii horey ee dadku ay ku dhaganyihiin iyo diidmada ay kala horyimaadan isbadelkasta, laakiin hogaamiyaha aragtida xanbaarsan daacadana ah uma joojiya caqadaha ee wuxuu diiradda saaraa yoolka fog ee uu higsanayo iyo muuqaalka u sawiran ee uu rabo inuu hirgeliyo ugu danbeyna shacabka wuu ku qanciyaa meesha loo socdo.

TALO BIXIN:

Waxaan talo ku bixin lahaa dhowr qodob oo iila muuqday iney ka wax ka tari karaan caqabadaha waxaana ka mid ah:

1: In dadka laga dhaadhiciyo lana tuso ujeedka iyo hadafka dhabta ah ee Puntland loo aasaasay iyo yoolka ay higsaneyso iney gaarto, ujeedka oo la fahmo wuxuu qeyb ka qaadanaya in la aamino lana xaqiijiyo. Hadii 10 qof oo reer Puntland ah la weydiiyo hal su’aal oo ah ” Maxay tahay ujeedada Puntland loo dhisey?” Waxay bixinayaan jawaabo kala duwan taasna waxaa keenaya inaan dadka la barin luguna barbaarin hadafkaas.

2: In dadka la wacyigeliyo shacabkana la baro qiimaha dowladnimada, kala duwanaanshaha qabiilka iyo siyaasada, kala duwanaanshaha qofka iyo xilka uu hayo, kala lahaanshaha hantida dowladeed iyo tan qofeed, kala aragti duwanaanshaha, wacyigelintuna ay noqoto siyaasad degen oo qorshe leh loona qoondeeyo miisaaniyad ku filan ee aysan noqon khudbad xaflad laga jeediyey ama hadal idaacad laga sheegey, sababto ah shacabka aan maskaxdiisa dowladnimo laga dhaadhicin oo la bisleyn wey adagtahay in la xukumo.

3: In lasameeyo qorshe hubka dhigis iyadoo la marayo qaab sharciyeysan ayna kawada shaqeeyaan lamaaha dowladda iyo hogaamiyaasha qabiiladu, ahna qaab guud oo loo siman yahay shacabkana lugu qancin karo, sababto ah shacab hubeysan dowlad kuma dhex shaqeyn karto.

4: in laga gudbo barlamaankan odoyaashu soo xulaan, lana gaaro madax iyo barlamaan shacabku doorto, wax qeybsiga beelahana lugu badelo hab gobol iyo degmo.

5: In isimada loo sameeyo gule guurti oo sharciyeysan lana sameeyo sharci cadeynaya awoodda iyo qeybta ay talada ku leeyihiin iyo kaalintooda siyaasadeed.

6: In la sameeyo hanti dhowr guud oo aan magac ahayn ee ah hay’ad madaxbanaan oo leh awood dabagal iyo go’aan gaaris.

7: In la dhiso maxkamad dastuuri ah oo go’aan ka gaarta isqabqabsiga siyaasadeed ee faraha badan ee soo noqnoqday.

8:  Madaxdu marka ay xilka qabanayaan in la cadeeyo hantida ay haystaan si loo kala hubiyo xoolaha ay xukunka ka tabcadeen iyo hantidey horey u lahaayeen, sidoo kale in la cadeeyo dadkana loo soo bandhigo mushaharka u qoran ee ay bilkasta qaataan gaar ahaan madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo gudoomiyaha barlamaanka.

9: In xad loo yeelo qurbajoogta dalka markii doorasho ka dhacayso usoo shaqo taga markey xilalka baneeyaanna boorsooyinkooda ka xirxirta, lana sameeyo sharciga dibadjoogta, weliba waxaan ku talinayaa in laga hor istaago iney Puntland madaxweyne danbe ka noqdaan qurbajoogtu, dastuurkana lugu qoro shardi dhigaya madaxweynuhu waa inuusan haysan baarsaboor dal shiisheeye, isaga iyo caruurtiisuna ay dalka gudihiisa ku noolyihiin.

10: Dareenka qarannimada iyo midnimada soomaaliya in la xoojiyo luguna faano, calanka Jumhuuriyadda Soomaaliyana aan laga sara marin ama lala simin ama laga jeclaan calanka Puntland  ee marwalba uu mudnaanta koowaad leeyahay calanka Soomaaliya.

W/Q : Abdihakim Diriye.

Qoraa soomaaliyeed.

Khartoum,  Sudan.

diriiye303@hotmail.com

Daabacaadii Puntlandes.com

 

About The Author