Akhri: Raysul Wasaaraha DAM JADIID Sharmarke oo Qudbadiisii maanta ku shegay inay Galmudug tahay Xubin ka mida JFS!!

29 july 2015 (Puntlandes)  Waxaa maanta ka furmay magaalada Xamar ee xarunta Gobolka Baraadir shir ay soo Agaasintay Kooxda DAM JADIID kasoo ay ku soo bandhigayeen siday ma kale ku AFDUUBI lahaayeen Soomaaliya.

Raysul Wasaaraha Dawlada Xamar ee DAM JADIID Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa Qudbadiisaa maanta uu shirkaas ka jeediyey ku sheegay in uu maamulka aan Dastuurka waafaqsanayn ee ay dawlada Xamar ku dhoodhoobtay Degmada Cadaado yahay XUBIN ka noqonaya Federaalka Soomaaliya!!CAJIIIB

Sidee buu maamul ka kooban Gobol iyo Bar u noqon karaa XUBID ka mida Federaalka Soomaaliya? ma DAM JADIID ayaa Dastuurkii bedelay? Xaggee wax ka qaldan yihiin?

Cumar ayaa intii ay Kooxda DAM JADIID u magacawday Raysul Wasaarahooda waxa uu noqday QAREEN u OLOLEEYA RABITANKA DAM JADIID iyo Dastuur ku tumashadooda. Dad badan oo soomaaliyeed am areer Puntland ah ayeysan la yaab ku noqon hadalkii Cumar ee maanta!!! maxaa yeelay Cumar horuu isku sheegay oo waa la ogyahay “Cumaroor warkaa waa kaa soo Horeeyey”

 

Halkan hoose ka akhri Qubadii RW DAM JADIID Cumar

36a

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa khudbad ka jeediyey shirka heer wasiir ee Madasha Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxuna ka hadlay Ra’iisul Wasaaruhu qorshaha mudnaanta u leh dowladda ee la doonayo in dalka lagu gaarsiiyo sanadka 2016.

Mudane Cumar C/rashiid ayaa sheegay Dowladda Federaalka in ahmiyad iyo mudnaan gaar ah ay siineyso howlaha muhiimka ah ee sahlaya inaan horumarinta dalka, sida Dib u eegista, nidaamka Federaalka oo hadda guulo wax ku ool ah laga gaaray.

“Xukuumaddu waxey diirada saari doontaan bilaha soo socda sidii loo xaqiijin lahaa in uusan dhicin dib u dhac ku yimaada arrimaha mudnaanta sare leh, oo aan hubinaa dhismaha hay’adaha muhiimka ah iyo nidaamyada lagu xaqiijinayo in laga gun gaaro dhaqangelinta hiigsiga 2016 taasoo wadada u sii xaareysa sidii loo heli lahaa nabad waarta, xasilinooni iyo dib u heshiisiin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmaarke.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale yiri “Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay dalka waxaa ka jiray horumar ballaaran oo laga sameeyey dhinacyada Federaalka iyo dib u xoreynta, waxaa la dhisay qaar kamid ah maamulladii qaybta ka noqon lahaa Federalka sida Galmudug oo Xukuumaddu ay hoggaaminaysay dhismaheeda, waxaan gacanta ku dhignay deegaano ay kooxaha xagjiriintu maamulayeen kuwaas oo hadda ku jira gacanta dowladda. Horumarka socda waa mid ka yimid guulaha amniga iyo xasilinta oo noo keenaya faa’iidooyin fog-fog oo waqti dheer leh, isla markaasna uu shacabku ka dareemi doono dhammaan dalka oo dhan”.

Ra’iisul Wasaaruhu waxuu u mahadceliyey saaxiibada Soomaaliya ee isagu yimid kulanka, isla markaana si gaar ah uga mahadceliyey taageeradooda dhaqaale iyo mid farsamo, waxuuna soo dhoweeyey sida ay uga walwalayaan mustaqbalka Soomaalia mar walba.

“Waxaa sidoo kale xaqiiq ah iney na sugayso howl badan iyo waqti xadidan, lakiin taageerada aan ka helayno shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka anagoo kaashanayna ayaan ku rajo weynahay iney noo suurta gasho in aan si dhaqso ah u qabano shaqo badan” ayuu yiri ugu danbeyn R/Wasaare Cumar.

—DHAMMAAD—-
Abdisalam Ahmed Aato
Afhayeenka Xukuumadda

About The Author