Sawirro: Guutada 3aad ee ciidanka Difaaca Puntland oo maanta hawl-gallo ka samaysay inta udhaxaysa togga Curaar, Sheebaab & Miiraale

26 Feb 2025 (Puntlandes.com) Guutada 3-aad ee ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta hawl-gallo sahan ah ka samaysay inta u dhaxaysa togga Curaar, Sheebaab iyo Miiraale ee buuralayda Calmistaad.
Ciidammada Difaaca Puntland ee ku hawlan soo afjaridda kooxaha khawaariijta Daacish ayaa sahannadan intay samaynayeen waxay ku gaareen godad ay ku dhuumaalaysan jireen kooxaha naflacaariga ah kuwaa oo isaga cararay kahor inta aysan ciidamadu soogaarin.
Goobaha ciidanku ay baarista ka sameeyeen ayaa loogu tagay baagag biyo ugu jireen waxyaabaha ay qaraxyada ka sameeyaan iyo raadad kale, sidookale waxay ciidanku gaareen meelo ay kooxahani tababarka ku qaadan jireen.















