DFS oo ku dhawaaqday in ay furtay qodista ceelasha shidaalka ee dooxada Nugaal ee SSC-Khaatumo

15 April 2025 (Puntlandes.com) Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqday in ay furtay qodista ceelasha shidaalka ee dooxada Nugaal, sida uu ku dhawaaqay Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Ambassador Daahir Xasan.
Ambassador Daahir Xasan ayaa ku dhawaaqday inay qodista ceelasha shidaalka ee dooxada (Nugal-Valley Basin) ee Khaatumo-State ku casumayaan shirkadaha shiidaalka baara ee Mareykanka in ay dib u soo laabtaan maadaama Khaatumo ay hadda ka mid-tahay Dowlad-Gobleed ka tirsan Dawlada Federaaalka
Ambassador Daahir Xasan ayaa qoraak ku yiri “Waxa aan ku casumay shirkadaha tamarta ee Mareykanka in ay soo laabyaan, SSC-khaatumo hadda waa Dowlad-goboleed ka tirsan DFS.”
