Degmada Bursaalax oo maanta xukun qisaas ah lagu fuliyey AUN Cabdiqani Cumar Cali
15 Aug 2026 (Puntland.com) Maamulka Degmada Bursaalax iyo wargarad ayaa maanta goob-joog ka ahaa fulinta qisaasta Cabdiqani Cumar Cali, oo loo haystay inuu maalmo ka hor deegaanka Af Gub oo hoos yimaada Degmada Bursaalax ku dilay marxuum Farxaan Yuusuf Warsame (AUN).
Qisaasta ayaa timid kaddib markii kiiska dilka marxuum Farxaan loo maray habraacyadii caddaaladda, waxaana maanta la fuliyay xukunka qisaasta.
Maamulka Degmada Bursaalax wuxuu rajaynayaa in dhacdadani ay noqoto cashar bulshada xusuusiya qiimaha ay leedahay ilaalinta nafta iyo in khilaafaadka lagu xalliyo waddo sharci iyo caddaalad ah, halkii ay isu beddeli lahaayeen dil iyo aargoosi.
Waxaa sidoo kale la rajaynayaa in bulshada ay qaadato waddada nabadda, isla markaana qof kasta uu ogaado in falalka dilka ah ay leeyihiin cawaaqib culus oo sharci iyo mid bulsho.
Marxuum Farxaan Yuusuf Warsame (AUN) Alle ha u naxariisto, qabrigiisana ha u waasiciyo, Jannatul Firdowsana haka waraabiyo. Ehelkiisa iyo qaraabadiisana Alle ha ka siiyo samir iyo iimaan.
Sidoo kale, Cabdiqani Cumar Cali, oo maanta qisaasta lagu fuliyay, Alle ha u naxariisto, dembiyadiisana ha dhaafo.
Degmada Bursaalax waxay bulshada ugu baaqaysaa nabad, xasillooni iyo in wixii khilaaf ah lagu xalliyo caddaalad iyo hannaan sharci ah.
Alle ha u naxariisto labada marxuum, eheladoodana samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin.